Real Madrid Oo U Soo Gudubtay Finalka Supercopa de Espana Ka Dib Rigoore Ay Ku Garaaceen Valencia

0
108

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubada cagta ee Real madrid ayaa iska xaadirisay  Finalka  Supercopa de Espana.

Kooxda real madrid ayaa waxa ay kulan xiiso badan kula ciyaartay wareega Semi-Finalka Kooxda Valencia.

Labada kooxood ayaa ku kala bixi waayay barbaro gool iyo gool ah iyadoo gool rigoore ahaa uu dhaliyay Karim Benzema qeybtii hore ee ciyaarta uu kansalay xiddiga Los Che Samuel Lino.

Labada kooxood ayaa ciyaaray kubad weerar iyo weerar celis ah iyadoo Real Madrid ayaa ciyaarta heysatay 15kii daqiiqo oo ugu horeeyay iyadoo Karim Benzema uu helay fursado badan

Laakiin Valencia ayaa dhanka kale u rogtay iyadoo Edinson Cavani iyo Kluivert ay tijaabiyeen goolhaye Thibaut Courtis.

Qeybtii labaad sheekada la mid ayay aheyd ka dib markii ay Real Madrid hogaanka qabatay Los Che ayaa durbadiiba ka jawaab celisay oo heshay goolka barbaraha.

Dhamaadkii ciyaarta Benzema ayaa iska qasaariyay fursad uu ku go’aansan lahaa natiijada ciyaarta, taasoo keentay in la isla aado waqtiga dheeri ah.

Madrid ayaana ku badisay rigooradii la isla tagay iyagoo dhaliyay dhamaan afartooda rigoore halka Courtois uu sidoo kale wacdarro dhigay.

Real Madrid waxay Finalka ku sugeysaa midkood Real Betis ama Barcelona oo ciyaaraya Caawa, iyadoo finalka uu dhici doono Axada.