Baledweyne ( Radio Beerlula )-UEFA ayaa diiday rafcaan ay Real Madrid ka qaadatay ganaaxyada la saaray Kylian Mbappe, Antonio Rudiger iyo Dani Ceballos, sida uu xaqiijiyay Marca.
Mbappe ayaa lagu ganaaxay €40,000, Rudiger €30,000, halka Ceballos la dul dhigay €20,000, iyadoo lagu eedeeyay inay “ku xadgudbeen xeerarka asluubta ciyaarta,” sida ku cad qodobka 11.2.b ee xeerarka anshaxa UEFA.
Saddexda ciyaaryahan waxaa sidoo kale la saaray hal kulan oo ganaax ah oo la hakiyay, kaas oo dhaqan geli doona haddii ay mar kale ku kacaan fal la mid ah kii hadda.
Dhacdadan ayaa dhacday bishii Abriil, kulankii lugtii labaad ee wareega 16-ka Champions League ee ay Real Madrid la ciyaartay Atletico Madrid.
Mbappe ayaa u dabbaaldegay guusha isagoo qabsaday xiniinyaha, halka Rudiger isna muujiyay calaamad qoor goysmo ah.