Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxay dib u heshay difaaca dhexe ee reer Austria ee David Alaba oo dib ugu soo laabtay kaddib muddo bil ah oo uu garoomada ka maqnaa, waxaana uu ka garab ciyaari doonaa Antonio Rudiger oo ah difaaca kaliya ee dhexe ee ay kooxdu haysato kulamada soo socda.
Real Madrid oo uu dhaawac waqti dheer ah kaga maqnaanayo Eder Militao oo jilibka qalliin lagaga sameeyey, ayaa waxa markii uu dhaawacu soo gaadhay David Alaba ay difaaca dhexe ka wada ciyaarsiisay Antonio Rudiger iyo Nacho Fernandez, hase yeeshee kabtanka kooxda ee Nacho ayaa qalad uu sameeyey ciyaartii Girona waxa uu ku mutaystay ganaax saddex ciyaarood ah oo ay ku jirto kulanka El Clasico ee Barcelona.
Aurelien Tchouameni ayaa booska difaaca dhexe buuxiyey oo ka garab ciyaaray Rudiger kulankii Osasuna ee horraantii toddobaadkan, balse sida uu sheegay wargeyska Marca, Real Madrid ayaa waxay dib u helaysaa David Alaba oo taam u noqonaya ciyaarta Sevilla ee toddobaad kaddib.
Alaba oo laga saaray liiska xulka qaranka Austria ee todobaadkan iyo usbuuca xiga, waxa uu taam u noqon doonaa safarka ay kooxdiisu ku tegi doonto Ramon Sanchez-Pizjuan oo ay u badan tahay inuu kaydka kusoo bilaaban doono, kaddibna waxa uu kalsooni kusoo geli doonaa ciyaarta Barcelona, sida uu Marca qoray.
Soo laabashada David Alaba ayaa waxa uu Real Madrid u yahay war farxadleh iyo in Carlo Ancelotti uu ka baxayo mushkiladdii madax-xanuunka ahayd ee ka haysatay booska difaaca dhexe.