Reece James Oo England Ku Qaatay Waqti Kooban

0
74

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Kabtan-ka Chelsea, Reece James, ayaa ku qaatay wax ka yar 70 daqiiqo labadii kulan ee uu xulka England ciyaaray intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah.

James ayaa muddo dheer la dhibtoonayay dhaawacyo soo noqnoqda, taas oo dhibaato ku ahayd kooxda Blues, balse tababare Enzo Maresca ayaa rajo ka muujiyay in bandhiggiisii ugu dambeeyay uu caddeyn u yahay inuu si joogto ah u ciyaari karo.

“Marka ciyaaryahan uu xulka qarankiisa ku biiro, wuxuu xor u yahay inuu ciyaaro daqiiqadaha uu tababaraha qaranku u arko inay habboon yihiin, taasina gacantayda kuma jirto,” ayuu yiri Maresca, markii la weydiiyay inuu ka yaabay waqtiga uu James u saftay England.

2

“Marka Reece uu halkaan joogo, waxaan isku daynaa inaan si fiican u maamulno. Tan iyo intii aan kooxda ku soo biiray, waxaan ku sidaas sameynayay isaga, Romeo [Lavia], iyo Wes [Fofana], kuwaas oo kasoo kabanayay dhaawacyo.

“Laakiin hadda waxaan aaminsanahay in Reece uu muujinayo inuu si fiican ugu diyaarsan yahay inuu ciyaaro labo ama saddex kulan toddobaadkii.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here