Rio Ferdinand oo Magacaabay Xiddiga Ugu Fiican Premier League Sanadka 2022

0
78

Baladweyne (Radio Beerlula)-Halyeeyga Man United ee Rio Ferdinand ayaa doortay da’yarka ugu fiican sanadka 2022 kadib dhamaadkii sanadka iyada oo Arsenal hogaaminayso premier League.

Arsenal ayaa dhamaadkii sanadkan 4-2 kaga badisay Brighton, si ay u xoojiso hogaankeeda Premier League, ka dib markii Manchester City ay barbardhac la gashay Everton.

“Bukayo Saka waa da’yarka ugu fiican sanadka Premier League sanadka 2022″ayuu Ferdinand u sheegay BTSports.

Wuxuu intaas ku daray “Haaland waa inuu noqdaa ciyaaryahanka ugu fiican xilli ciyaareedka, ma ahan da’yarka ugu fiican laakiin Bukayo Saka ayaa fikir ahaantayda ah da’yarka ugu fiican”

“Waxa uu sameeyay horumar bilihii la soo dhaacay sidaas darteed waxa aan odhan karaa waa kan ugu fiican”.

Bukayo Saka ayaa dhaliyay 7 gool waxana uu caawiye ka ahaa 6 gool ilaa haatan tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan kooxda Arsenal.