Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeeygii hore ee Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa sheegay in difaaca reer Holland, Matthijs de Ligt, uu noqday ciyaaryahanka ugu muhiimsan kooxda uu hoggaamiyo Ruben Amorim.
Ferdinand ayaa ku ammaanay saameynta uu De Ligt yeeshay, isagoo sheegay inuu noqday magaca koowaad ee tababaraha ku qoro liiska safka hore.
Manchester United ayaa si liidata ku bilaabatay xilli-ciyaareedka, iyadoo sidoo kale tartanka Carabao Cup ay ka reebtay kooxda heerka hoose ee Grimsby Town. Si kastaba, Sabtidii waxay 2-1 kaga adkaadeen Chelsea, kaddib markii Blues noqotay 10 ciyaaryahan kaliya lix daqiiqo gudahood.
Iyadoo kooxdu ku jirto dhibaatooyin, De Ligt ayaa muujiyay horumar weyn, waxaana Ferdinand aaminsan yahay inuu noqday ciyaaryahan lama huraan ah.
sagoo ka hadlayay barnaamijkiisa YouTube, Ferdinand wuxuu yiri:
“Matthijs de Ligt xilli-ciyaareedkan wuxuu ahaa mid cajiib ah, difaac ahaan dhan walba wuu dhameystiran yahay. Waxaan aaminsanahay inuu iska dhigay magaca koowaad ee safka, haddii aan meesha ka saarno Leny Yoro oo kayd ahaa usbuucii hore. De Ligt hadda wuxuu u muuqdaa difaaca koowaad ee kooxda, sida uu tababaraha u arko.
Wuxuu ahaa mid aad u deggan, waana xaqiiqo in uu Harry Maguire kursiga keydka dhigay. Xitaa aniga ayuu iga hoos baxay aragtidayda.”
Difaaca reer Holland ayaan hal daqiiqo ka maqnaan Premier League xilli-ciyaareedkan. Wuxuuna Man United kaga soo biiray Bayern Munich sanadkii hore, heshiis ku kacay £39 milyan.


