Robot loo ekeysiiyay shinida oo duubaya muuqaallo iyo codad oo lagu soo bandhigay Shiinaha.

0
138

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madasha caalamiga ah ee Robot-yada oo lagu qabtay dalka Shiinaha ayaa lagu soo bandhigay Robot loo ekeysiiyay shinnida oo awood u leh inuu ku duulo masaafo fog.

Robot-kan ayaa sidoo kale awood u leh inuu soo gudbiyo muuqaallo toos ah iyo cod meelaha qarsoon.

Dadka dalka shiinaha ayaa walaac ka muujiyay robot-kan iyagoo sheegay inay ka dhalan karto maaddama Robot-kan uu si fudud u gali karo meelaha qarsoon sida xafiisyada shaqada, iyo guryaha islamarkana ka soo duubaya muuqaalo iyo codad sir ah.

Sidoo kale dadka ka falceliyay robot-kan ayaa sheegay inay ka cabsi qaban in loo adeegsado basaasnimo islamarkana dadka loo galiyo jeebka ama la galiyo boorsooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here