Robot shaqada guriga qaban doona oo lagu wado in la soo saaro.

0
121

Baladweyne (Radio Beerlula)-Muddo toban sano gudahood ah, ilaa 39% waqtiga lagu bixiyo howsha guriga iyo daryeelka dadka ayaa waxaa qaban doona mashiinnada robot-ka, sida ay sheegayaan khubarradu.

Baarayaasha ka soo jeeda dalalka UK iyo Japan ayaa 65 khubarrada robot-ka weydiiyay inay saadaaliyaan heerka suurtogalnimada in howlaha guriga ay qaban doonaan mashiinnadaas toban sano hadda kaddib.

Khubarrada ayaa saadaaliyay in dukaameysiga khudradda ay noqon doonto waxa ugu badan ee ay mashiinnadan qaban doonaan, halka daryeelka carruurta amaba dadka waaweyn ay noqon doonto waxa ugu yar.

Baarayaasha Jaamacadda Oxford iyo Ochanomizu University oo Japan ku taalla ayaa doonayay inay ogaadaan saameynta ay robot-yadu ku yeelan karaan shaqada guryaha ee aan lacag lagu bixin: “Haddii robot-yadu ay la wareegaan shaqooyinka.