Rodri oo tilmaamay sababta ka dambeysa hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedka kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan

0
147

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain iyo kooxda Manchester City ee Rodri, ayaa tilmaamay sababta heerka hoose ee Liverpool xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League, waxana ay leedahay 9-dhibcood, maadaama ay badisay laba kulan oo kaliya, halka ay barbaro galeen 3-jeer, halka hal kulan oo kaliya laga badiyay.

Sidoo kale waxa guuldarro 4-1 ah kala kulantay kooxda Napoli ee dalka Talyaaniga, waxana ay laba gool iyo hal gool kaga badisay kooxda Ajax Amsterdam, labadii kulan ay ka ciyaartay tartanka xiisaha badan Champions League, xilli ciyaareedkan.

Rodri ayaa ku sheegay kaddib wareysi uu ku bixiyay wargeyska Talyaaniga ee “La Gazzetta dello Sport.”

“Heerka Horyaalka Premier League waa mid aad u sarreeya, Liverpool kuma jirto dhibaato,”

“Wax tarkooda hoos ayuu xoogaa u dhacay, Premier League-na kuma ogola inaad nasato.”

Rodri ayaa ka qeyb galay 10 kulan oo uu la qaatay Man City, tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkaan, dhammaan tartamada kala duwan, waxaana uu ku guuleystay inuu caawiyo 2 gool, mana uusan dhalin wax gool ah.