Rodrygo Oo Go’aan Adag Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Real Madrid!

0
123

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saxafiga Isbaanishka ah ee Edo Aguirre, oo si dhow ula xiriira Real Madrid, ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga reer Brazil Rodrygo Goes uu doonayo inuu sii joogo kooxda, isla markaana uusan ka fikiraynin inuu baxo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Aguirre ayaa sheegay in Rodrygo uu si weyn ugu faraxsan yahay inuu xilli ciyaareedkan ka hoos ciyaaro tababare Xabi Alonso, islamarkaana uu doonayo inuu qanciyo macallinka si uu boos joogto ah uga helo safka hore ee kooxda boqortooyada.

Arrintan ayaa timid iyadoo weli ay jiraan mala-awaal ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka, maadaama Alonso aanu si weyn ugu tiirsanaan, ha noqoto koobkii adduunka ee kooxaha ama bilowgii safarka La Liga.

Waxaa xusid mudan in dhowr kooxood xiiseynayaan saxiixa Rodrygo, balse ilaa hadda wax dalab rasmi ah looma gudbin Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here