Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda ree Talyaani ee Inter Milan ayay wararku sheegayaan inay ka cadhaysan tahay weeraryahanka xilli ciyaareedkii tagay amaahda kula joogay ee Romelu Lukaku kaas oo aan ka jawaabayn farriimaha iyo wicitaanada asxaabtiisii iyo tababarihiisii kooxda.
Warkan ayaa imanaya xilli Lukaku ay u ballanqaaday Chelsea fasax dheeraad ah iyo inuusan tababarka kooxda kusoo laaban maadaama ay doonayso inay degdeg iskaga iibiso.
Sida uu sheegayo saxafiga Talyaaniga ah ee Gianluca Di Marzio, Inter ayaa ka cadhaysan hab dhaqanka Romelu. Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Inter ogaatay in ciyaaryahanku u furan yahay ku biirista kooxda ay xifaaltamaan ee Juventus.
Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Lukaku hore warbaahinta uga hor sheegay inuusan waligii u ciyaari doonin Juventus sababtoo ah ixtiraamka uu Inter u hayo.
Inter iyo Juve ayaa labaduba dalabaad ka gudbiyay Lukaku balse kala duwanaanshaha ayaa ah in dalabka Juventus ku xidhan yahay inay marka hore iibiso Dusan Vlahovic taas oo caqabad ku ah doonista Chelsea ee ah inay degdeg u fasaxdo 30 jirkaas.
Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in Lukaku isagoo dhex maraya wakiilkiisa la hadlay Juventus iyo suurogalnimada uu ugu biiri karo.