Ronaldo Koeman Oo U Hanjabay Saxiixa Cusub Ee Liverpool

0
83

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Tababaraha xulka Netherlands Ronald Koeman ayaa cambaareeyay saxiixa cusub ee Liverpool Ryan Gravenberch madaama uu iska diiday inuu u ciyaaro xulka Holland ee U21 oo looga soo yeeray.

Gravenberch ayaa Reds uga soo biiray Bayern Munich maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga iyadoo lagu iibsaday lacag wadar ahaan gaareysa 40 milyan ginni.

Gravenberch ayaa la filayaa inuu kulankiisii ugu horeysay ee Liverpool safto ka dib marka laga soo laabto ciyaaraha caalamiga, laakiin ka hor waqtigaas wuxuu tababar ku qaadan doonaa Liverpool.

Gravenberch ayaa iska diiday fursad uu ugu ciyaari lahaa xulka Netherlands ee da’dooda ka yar tahay 21 jirada isagoo u sheegay inuu ka doorbidayo inuu diirada saaro kooxdiisa cusub.

Laakiin tababaraha xulka Netherlands Ronald Koeman ayaa cambaareeyay talaabada uu qaaday Gravenberch wuxuuna uga digay inay tani sababi doonto inaan looga soo yeerin xulka weyn mustaqbalka.

Koeman oo careysan ayaa yiri: “Kuma faraxsanin go’aankii uu qaatay Ryan Gravenberch. Nigel de Jong ayaa sidoo kale la xiriiray isaga. Sida kaliya ee uu ugu soo biiri karo xulka waa weyn waa inuu qaab ciyaareed fiican u soo bandhigo xulka da’ yarta.”

Koeman ayaa xusuusiyay Gravenberch kiiskii xiddiga Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong kaasoo iska diiday xulka U21 oo looga soo yeeray isna lagu ciqaabay inaan looga yeerin xulka waa weyn ee Netherlands.