Ronaldo Nazario Oo Sii Sheegay Xiddiga Ku Guuleysanaya Abaal-marinta Ballon d’Or 2023

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeyga Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa magacaabay ciyaartoyga u qalma in sannadkan 2023 uu ku guuelysto abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or, taas oo ay ku tartamayaan ciyaartooyo bandhig heersare ah ka sameeyey horyaallada Yurub xilli-ciyaareedkii tegay.

October 30 ayaa la iskugu tegi doonaan Threatre du Chatelet ee magaalada Paris oo lagu bixin doonaa abaal-marinta Ballon d’Or, laakiin waxa ka horreyn doonta liiska gaaban ee xiddigaha tartamaya ee codka lagu kala saarayo oo la shaacin doono September 6.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo bishii December xulkiisa u qaaday Koobka Adduunka oo ay ugu dambaysay 1986kii, ayaa si weyn loogu saadaalinayaa, waxaana haddii uu ku guuleysto ay noqon doontaa markii siddeedaad ee uu ku guuleysto.

35 jirkan ayaa sidoo kale bandhig fiican ka sameeyey horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1, balse waxa hoos u dhici doonta qiimayntiisa bilaha uu soconayo xilli ciyaareedka bilaabmaya bisha August sabbatoo ah waxa uu u wareegay kooxda horyaalka Maraykanka ee Inter Miami oo qiimayntiisu liidato.

Waxa uu loollanka ugu weyn kala kulmayaa labada ciyaartoy ee Manchester City ee Erling Haaland iyo Kevin De Bruyne oo xilli-ciyaareedkii tegay ku guuleystay Premier Legue, FA Cup, iyo Champions League, waxaase liiska ku jira Ilkay Gundogan iyo Julian Alvarez oo isagu Messi la wadaagay guushii Koobka Adduunka.

Ciyaartoyda kale ee sharraxan ayaa waxa ka mid ah Kylian Mbappe oo noqday ciyaaartoygii labaad ee taariikhda koobka adduunka saddexlay ka dhaliya, waxaana finalkii rikoodheyaal kaga qaadday Argentina iyo da’yarka Real Madrid iyo Brazil ee Vinicius Junior.

Halyeygii Brazil ee Ronaldo Nazario oo la weydiiyey aragtidiisa ciyaartoyga ay la tahay inuu ku guuleysanayo abaal-marinta Ballon d’Or ayaa ku jawaabay: “Messi ayaa u qalma oo ay tahay inuu ku guuleysto Ballon d’Or. Waxay ila tahay in isaga la caleemo-saari doono. Waxa uu ku guuleystay Koob Adduun oo ah tartan aad u weyn.”