Ronaldo oo digniin culus u diray maamulka Man United

0
220

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa digniin culus u diray maamulka kooxdiisa Manchester United.

Wargayska ka soo baxa dalka Portugal ee Record ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu digniin u diray maamulka Manchester isaga isaga oo ku yiri “Ama dardar geliya xawliga suuqa kala iibsiga, ama waan bixi doonaa.”

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in xiddiga reer Portugal uu aad kaga xanaaqsan yahay dhaq-dhaqaaqa kooxdiisa ee suuqa kala iibsiga xagaagan, marka loo eego in aysan jirin wax heshiisyo waaweyn ah.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Darwin Núñez, oo diirada u saarnaa xiisaha Manchester United, uu ugu dambeyntii u wareegay Liverpool, iyo sidoo kale in aan wali lagu guuleysan isku daygii ay ku doonayeen saxiixa xiddigaha Frenkie de Jong, iyo Antony oo u kala ciyaara kooxaha Barcelona iyo Ajax.

Ronaldo, oo 37 jir ah, ayaa ku soo laabtay Manchester United xagaagii 2021, 13 sano kaddib markii uu kaga dhaqaaqay Real Madrid.

Cristiano waxa uu dhaliyay 24 gool, 38 kulan oo uu ciyaaray, balse koox ahaan si niyadjab leh ayeey kaga dhameysteen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxayna awoodi waayeen inay ku guuleystaan wax koob ah ama xitaa ay u soo baxaan Champions League xilli ciyaareedka cusub.