Ronaldo oo kiciyay xamaasadda taageerayaasha Portugal kahor koobka adduunka

0
17

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la falgalay ku dhawaaqista rasmiga ah ee xulka qaranka Portugal uga qayb galaya koobka adduunka 2022, kaasoo bilaaban doono wax ka yar laba toddobaad kahor.

Liiska uu ku dhawaaqay tababare Fernando Santos ayaa waxaa ku soo baxay Cristiano Ronaldo, si uu uga qeyb galo koobka adduunka markii shanaad oo xiriir ah kaddib markii uu ka qeyb galay koobkii adduunka ee 2006 ee Germany.

Ronaldo ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawirka kooxda la doortay, wuxuuna ku soo qoray:

“Mar labaad, waxaan diyaar u nahay inaan sare u qaadno magaca Portugal.”

Jamaahiirta Portugal ayaa rajaynaya in Ronaldo uu hoggaamiyo koox mustaqbal leh oo ay ku jiraan tayada ugu fiican ee garoomada Yurub, inay gaaraan guulo taariikhi ah si uu u soo gabagabeeyo xirfadiisa caalamiga ah.

Waxaa xusid mudan in guushii ugu fiicneyd ee Portugal ay ka gaareen taariikhda ka qeyb galka Koobka Adduunka ay soo bilaabatay 1966-kii, markaasoo halyeyga Eusebio uu ku guuleystay inuu jiilkiisa ku guuleysto kaalinta seddexaad.

Ronaldo ayaa Portugal la gaaray guushii labaad ee ugu fiicneyd kaddib markii ay ku dhameysteen kaalinta afaraad koobkii adduunka ee 2006 ee Germany, waxaana xulka qaranka Portugal ayaa waxay hal group ku wada jiraan xulalka Uruguay, Ghana iyo South Korea.