Roobab xooggan oo sababay dhimashada boqolaal qof oo ka da,ay Pakistan.

0
177

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan 900 oo qof ayaa ku dhintay dalka Pakistaan, iyadoo roobab xooggan oo sababay daadad ay ku dhufteen qeybo badan oo ka tirsan dalkaasi.

Dhibanayaasha ayaa badankood ka soo jeeda Waqooyi Galbeed ee gobolka Khaybar, halkaas oo mas’uuliyiintu ay soo aareen digniino hor leh.

Webiga Kabul ayaa qararka jabsaday, isagoo cagta mariyay guryo iyo hoteello. Dadka ku nool degmooyinka qaar ayaana lagu wargeliyay inay meelo kale oo ammaan ah u guuraan.

Ku dhowaad kun qof ayaa ku dhintay roobabka iyo daadadka tan iyo bishii June dowladda ayaana halkaasi ku daad gureyneysa ciidamo caawiya saraakiisha gudaha ee ka shaqeynaya howlaha samata bixinta.