Baladweyne ( Radio Beerlula )-Roy Keane ayaa muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo in Arsenal ay gaari doonto finalka Champions League.
“Finalka waxaa isugu imanaya Arsenal iyo Barcelona, waana mid si cad u muuqata,” ayuu yiri Keane.
Isagoo ka hadlaya kulankii Real Madrid iyo Arsenal, Keane wuxuu sheegay: “Sidee loo illaabi karaa ciyaartii Real iyo Arsenal? Waxaa muuqatay in kaliya Arsenal ay ku naallooneysay garoonka, sax soo ma aha? Way dhici kartaa, ciyaartoyda Arsenal waala dilayay, mana helin wax nidaam ciyaareed ah. Taasi waxay Real ka hor istaagtay inay si fiican u ciyaaraan,” ayuu yiri ciyaaryahankii hore ee Manchester United Roy Keane, mar uu ka hadlayay barnaamijka Stick to Football.


