Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ruben Amorim ayaa sheegay in Marcus Rashford uu uga tagay Manchester United sababtoo ah wuxuu awoodi waayay inuu ku qanciyo ciyaariyahanka fikirkiisa.
Rashford ayaa ugu biiray Aston Villa heshiis amaah ah ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka kadib markii uu lumiyay kalsoonida Amorim.
Tababaraha United ayaa tilmaamay in sababta Rashford uu uga tagay ay tahay inuusan awoodin inuu gaarsiiyo 27-jirka xulka England aragtidiisa ciyaareed, taasoo keentay isfahan darro iyo khilaaf joogto ah.
“Waxaan leeyahay ma aanan awoodin inaan Marcus ka dhaadhiciyo sida saxda ah ee loo ciyaaro kubadda cagta iyo sida loo tababarto, anigoo ka eegaya habkeyga,” ayuu yiri Amorim.
“Mararka qaar waxaad arkaysaa ciyaaryahan si fiican ula shaqeynaya tababare gaar ah, laakiin isla ciyaaryahankaas wuxuu ku dhibtoodaa la shaqeynta tababare kale. Waxaan u rajeynayaa wax walba oo wanaagsan Rashford iyo Unai Emery, waxaana rajeynayaa inay wada shaqeyn doonaan maxaa yeelay waa ciyaaryahan aad u fiican.”
Rashford ayaa dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee xilligii Amorim intii lagu jiray barbarihii 1-1 ee Ipswich Town bishii November. Wuxuu sidoo kale kusoo billowday kulammadii Everton iyo Viktoria Plzen.
“Arrintu waxay tahay, qaar ka mid ah ciyaartoyda lama qabsan habka aan kubadda cagta u arko, halka qaar kalena la qabsadaan. Waxaan dhiseynaa koox,” ayuu yiri Amorim.
“Waa dareen aad u kala duwan, markaa tahay tababare ama ciyaaryahan. Waa wax caadi ah, wayna dhacdaa marar badan. Waxa ugu muhiimsan waa inaan halkan joogo oo aan caddeeyo in go’aanka uu aniga iga yimid.”


