Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ruben Amorim ayaa sheegay inuusan ka walwalsaneyn mustaqbalkiisa kooxda inkasta oo Manchester United ay sii waddo natiijooyinkeedii liitay, kaddib guuldarradii Axadii ka soo gaartay Tottenham.
James Maddison ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, iyadoo Spurs ay 1-0 ku garaacday Red Devils kulankii ka dhacay waqooyiga London.
Guushaas waxay Tottenham kor ugu qaaday kaalinta 12-aad ee horyaalka Premier League, halka Manchester United ay weli ku sii jirto kaalinta 15-aad, iyagoo lumiyay 12 ka mid ah 25-koodii kulan ee horyaalka xilli ciyaareedkan.
“Ma walwalsani,” ayuu Amorim u sheegay BBC. “Waan fahamsanahay dareenka taageerayaasheena iyo waxa warbaahinta ka sheegeyso. Aad baan u necbahay guuldarrada, waana dareenka ugu xun ee aad la kulmi karto.”
“Wax kale kama fekerayo. Halkan waxaan u joogaa inaan caawiyo ciyaartoydayda. Waan fahamsanahay xaaladdayda iyo shaqadayda, aad baan ugu kalsoonahay shaqadayda, waxaan rabaa kaliya inaan guulo gaaro.”
“Kaalinta aan ku jirno waa tan i walwal galinaysa, balse aniga shaqsi ahaan ma walwalsani.”
Manchester United ayaa mar kale bandhig liita sameysay, inkastoo ay heleen fursado goolal lagu dhalin karay, iyadoo Alejandro Garnacho iyo Joshua Zirkzee ay ka faa’iidaysan waayeen fursado muhiim ah.