Rudiger Oo War Weyn Kasoo Saaray Kulankii Qarsoodiga Ahaa Ee Uu La Yeeshay Masuul Ka Tirsanaa Al-Nassr!

0
160

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Antonio Rudiger, difaaca qaranka Jarmalka iyo Real Madrid, ayaa si lama filaan ah u dhex galay hadal-heyn culus kadib markii sawir laga helay isaga oo la fadhiya agaasimaha kooxda Sucuudiga ah ee Al-Nassr, Fernando Hierro, xilli ay ku sugnaayeen maqaaxi caan ah.

Warbixin kasoo baxday wargeyska caanka ah ee Marca ayaa si degdeg ah u xaqiijisay in kulankaasi uusan wax shaqo ah la lahayn mustaqbalka Rudiger ee Real Madrid. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo gudaha ah:

โ€œKulankaas wuxuu ahaa mid shakhsi ah,waxaan qeyb ka ahaa dad kale oo aan wax xiriir ah la lahayn ciyaaraha. Rudiger kuma fekerayo inuu xagaagan ka tago Real Madrid.โ€

Rudiger, oo ka mid ah tiirarka difaaca Los Blancos tan iyo markii uu kaga yimid Chelsea, ayaa haatan ka soo kabsanaya qalliin dhanka jilibka ah, isaga oo rajeynaya inuu diyaar u noqdo Koobka Adduunka ee Naadiyada.

Waxaa la filayaa inuu sii joogo Real Madrid xilli ciyaareedka dambe, waxaana kooxda u qorsheysan in difaacooda birta ah uu qeyb ka noqdo qorshayaasha Alonso ee xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here