Ruushka iyo Turkiga oo gaaray heshiis ka dhan ah Kurdiyiinta.

0
253

Baladweyne(Radio Beerlula)- Turkiga iyo Ruushka ayaa waxay ku heshiiyeen waxay ugu yeereen heshiis “taariikhi ah” oo looga gol leeyahay in xoogagga kurdiyiinta looga nadiifiyo xuduuda Turiga iyo Suuriya.

Turkiga ayaa bishan bilaabay howgalo ay Kurdiyiinta uga sifeynayaan xuduuda islamarkana ay ku sameynayan aag nabdoon.

Ruushka ayaa saaxib dhaw la ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad waxayna walaac ka muujiyeen faragalinta dalalka shisheeya ee gudaha Suuriya.

Ruushka iyo Turkiga ayaa imika si wadajir ah u sameeyaan howlgal amniga lagu sugayo.

Heshiiska labada dhinac ayaa yimid ka dib markii Mareykanka ay si lama filaan ah ciidamadooda ugala baxeen waqooyiga Suuriya.

Dadka faaqida arrimahan ayaa waxay heshiiska Ruushka iyo Turkiga ku tilmaameen mid muujinaysa galaangalka Ruushka iyo Turkiga ee gobolka.

Turkiga ayaa waxay arrintani uga dhigan tahay in ay gacanta ku sii hayaaan goobihii ay Kurdiyiinta ka saareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here