Baladweyne ( Radio Beerlula)-Ruushka ayaa bilaabay barnaamij cusub oo lagu siinayo kaalmo dhaqaale hooyooyinka da’da yar si ay u umulaan si kor loogu qaado heerka dhalmada ee dalkaasi.
Haweenka da’doodu ka yar tahay 25 sano ayaa xaq u yeelanaya lacagtaas, khidmadda ah oo dhan qiyaastii $1220 oo dollar.
Ilaa hadda, haween badan ayaa helaya lacagtaasi cusub.
War ka soo baxay wasaaradda shaqada ayaa lagu sheegay in gabdhaha da’da yar oo ay ku jiraan arday, ay uur qaadaan, isla markaana ay ka faa’ideystaan barnaamijkan, taas oo qeyb ka ah kororka degdegga ah ee tirada carruurta dhalanaysa.