Baledweyne ( Radio Beerlula )-Qamadigii uu Ruushku u dhoofin jiray dalka Suuriya ayaa la hakiyay sababo la xiriirra hubanti la’aanta dawladda cusub iyo dibu dhac ku yimid bixinta lacagihii hore.
Ruushka, waa dalka ugu weyn ee dibadda u dhoofiya qamadiga aduunka oo dhan, waxana uu si gaara ugu taageeri jiray nidaamkii Bashaar Al Asad ee la riday.
Il wareed ku dhaw dawladda Ruushka ayay wakaaladda warrarka ee Reuters ka soo xigatay in la joojiyay alaabihii loo qaadi jiray Suuriya maxaa yeelay Ruushku waxa uu ka walaacsan yahay isbadalka ka dhacay caasimadda Dimishiq.
Suuriya ayaa qiyaastii 2 milyan oo metric ton oo qamadi ah ka soo dhoofsan jirtay sanadkii, waxana laga cabsi qabaa in saameyn xoog leh ay ku yeelato 23 milyan ee qof ee ku nool Suuriya.