Ruushka oo kor u qaaday galaangalkiisa Afrika, si uu taageero uga helo

0
119

Baladweyne (Radio Beerlula)- Danjiraha Ruushka u fadhiya dalka Malawi ayaa sheegay inuu rajaynayo in hoggaamiyayaasha Afrika ay ku baaqaan in la soo afjaro cunaqabataynada caalamiga ah ee ka dhanka ah Ruushka, xilli la filayo inuu qabsoomo shirka u dhexeeya Afrika iyo Ruushka.

Nikolai Krazilnikov ayaa faalladan bixiyey xilli uu Ruushku ugu deeqay dalka Malawi illaa 20,000 oo ton oo ah, agabka bacriminta beeraha.

Dadka faalleeya siyaasadda ayaa iyagu u arka in tallaadan uu Ruushku qaaday uu uga danleeyahay inuu ku kasbado taageerada diblomaasiyadeed ee dalalka Afrika, si uu taageero ugu helo dagaalka Ukraine.

Taageeradan bacriminka beeraha ayaa ka noqonaysa oo keliya 3% baahida guud ee dalkaasi uga baahan dhinaca agabka bacriminka beeraha, taasoo gaadhaysa illaa 600,000 oo ton.

Wasiirka beeraha ee Malawi ayaa sheegay in tallaabadi ay wax weyn ka tarayso wax soo saarka beeraha ee dalkaas, taas oo fursan uu siinaysa inay quudiyaan illaa 400,000 oo qoys.