Ruushka oo lagu xukumay inuu magdhaw siiyo haweenay ninkeedu labada gacmood ka gooyay

0
215

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ruushka ayaa lagu xukumay inuu magdhaw 370,000 oo Euro ah siiyo haweenay uu labada gacmood ka jaray ninkeedu.

Maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Yurub ayaa sheegtay in Ruushku ka baaqsaday inuu wax ka qabto gacansaarka ka dhaca guryaha, waxaanay amartay in uu afar haween ah oo si ba’an loo dhaawacay magdhaw siiyo.

Waxaana ka mid ah haweenkaa Margarita Gracheva oo ninkeedu af-duubtay sannadkii 2017 oo uu la dhacay faash.

Maxkamadu waxay u sheegtay Ruushka inuu si degdeg ah u meel mariyo isbedello lagu joojinayo weerarrada noocaas ahi in ay dhacaan mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here