Ruushka u digniin u diray Mareykanka

0
53

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Axaddii uga digay Mareykanka in haddii Washington ay gantaallada riddada dheer geyso Jarmalka, in Ruushkuna uu gantaalladaas kuwo la mid ah dhigi doono masaafo laga weerari karo danaha reer Galbeedka.

Maraykanka ayaa sheegay bishan July 10-keedii in uu bilaabi doono inuu geeyo dalka Jarmalka hub casri ah oo kala duwan oo ay ku jiraan gantaalada riddada dheer marka la gaadho sanadka 2026.

Khudbad uu Putin u jeediyay badmaaxayaal ka kala socday Ruushka, Shiinaha, Aljeeriya iyo Hindiya oo lagu xusayey maalinta ciidammada badda ee Ruushka oo lagu qabtay magaalada St. Petersburg, ayuu Putin wuxuu si toosa ugaga digay Maraykanka, inuu dib u bilaabayo nooc ka mida waxyaabihii dhaliyey qalaalisihii dhacay xilligii dagaalka qaboobi uu socday.

Diblomaasiyiinta Ruushka iyo Maraykanka ayaa sheegay in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Maraykanka iyo Ruushku inuu marayo halkii ugu hoosaysay, xataa marka la barbardhigo, xilligii uu dhacay qalalaasihii gantaallada ee Cuba, ee sannadkii 1962-kii, waxaana labada dhinacba loogu baaqay inay kubadda dhulka dhigaan oo ay qaadaan tallaabooyin xidhiidhkooda kor loogu qaadayo.