RW Kheyre oo la kulmay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka

0
366

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay  la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka.

Xasan Cali Khayre  ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in kulankooda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here