RW kheyre oo magacaabay wasiirada warfaafinta, iyo ganacsiga kadib markii uu is casilay wasiirkii warfaafinta

0
419

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan u magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa wasiirka ganacsiga  u magacaabay Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya. Kadib markii uu is casilay wasiirkii warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here