RW Soomaaliya oo dhagax dhigay dhismaha Isbitaalka Xudur Iyo Guriga Martida

0
255

Baladweyne(Radio Beerlula)- Mashariicda uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre  ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Isbitaalka guud ee Xudur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta gobalka Bakool.

Istibaalka Xudur oo dhismihiisu uu qayb ka yahay qorshaha horumarinta caafimaadka, ayaa marka dhismaha lagu dhameeyo, lana qalabeeyo waxaa ka faa’iideysanaya bulshada deegaanka oo dhibaata ku qabay helidda daryeel caafimaad, daweynna u doonan jiray magaalooyin fog oo Muqdisho ay kamid tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray mashruuc nalalka cadceedda ku shaqeeya oo laga hir-geliyay wadada isku xirta garoonka diraaradaha iyo xarunta gobaka Bakool, waxa uuna dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay lacag lagu casriyeynayo garoonka kubbadda cagta Dr. Waaberi oo Ra’iisul Wasaaruhu maalin kahor ballan qaaday horumarintiisa.

Guddomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa ka waramaya ahmiyadda mashariicdan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here