RW Soomaaliya oo dhagax dhigay dhisme lagu kordhinayo jaamacadda Umadda Faraceeda magaalada Caabudwaaq.

0
312

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay dhisme ka kooban sedax dabaq oo leh 36 fasal, Maktabad iyo hool shirar oo lagu kordhinayo faraca jaamacadda umadda ee Caabuudwaaq kaas oo bulshada deegaanku ay is-xilqaan ku dhisanayaan.

Guddoomiyaha jaamacadda Ummadda Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in jaamacadda Ummadda Faraceeda magaalada Caabudwaaq ay gacan ka geysaneyso is dhax galka dhalinyarada islamarkana ay wax ka baran karaan ardeyda ku nool gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo dowladd deegaanka Soomaalida.

Xassan Cali Kheyre ayaa  ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  in ay gacan ka geystaan dhismaha jaamacadda si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha jaamacadda qeybteeda Caadbuudwaaq oo ah qaybta kaliya ee Jaamcaddu ku leedahay meel bannaanka ka ah caasimadda dalka.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here