RW Soomaaliya oo Garoowe ku soo xiray shirka rugaha ganacsiga Soomaaliya.

0
413

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo xiray shir rugaha Ganacsiga dalka oo labo maalin uga socday magaalada Garowe.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda xiritaanka shirka ka sheegay in dawladdu si dhaw ula shaqanyso ganacsatada ayna bogaadinayso dowrkooda ku aadan horumarinta, ganacsiga, dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka.

Xassan Cali Kheyre  ayaa kula dardaarmay ganacsatada iyo hoggaanka rugaha ganacsigu in ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya si horumarin loogu sameeyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Guddomiyaha Rugta Gancsatada Soomaaliyeed  Maxamuud Cabdikariim Gabeyre ayaa ka waramaya ahmiyada shirkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here