RW Soomaaliya oo lacag ugu deeqday dhismaha buundada degmada Baardheere.

0
274

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay  saddex toban iyo todobo kun oo dollar (317,000)  oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kulan kula qaatay xafiiskiisa ayaa uga mahad celiyay  jawaabidda baaqa bulshda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, dadka iyo gaadiidka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka Maxamuud Hilaal ayaa sheegay in shacabka degmada Baardheer ay ahmiyad weyn u leedahay buundadan islamarkana lacagtan wax looga qaban doono buundadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here