RW Soomaaliya oo maanta daah furay mashruuc lagu dhisayo wadada isku xirta Muqdisho, afgooye iyo Jowhar

0
400

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra”iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u  daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo wadada isku xirta  Muqdisho,Afgooye iyo jowhar.

Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa goob joog ka ahaa daah furka mashruucan,sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda dowladda Qatar iyo shirkadda fulineysa mashruucan oo laga lee yahay dalka Turkiga.

Dhismaha jidadkan  ayaa muhiim u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada,kuwaasi oo dhibaato weyn ku qabay bur burka waddooyinkan.

Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin iftiin u ah ganacsatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed islamarkana jidadka ay fududeyn doonan ganacsigooda.

Dowladda Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha waddooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobolada Banaadir, shabeellaha hoose iyo shabeellaha dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here