Rwanda oo dib suuqa uga bixineysa daawo lagu sameeyay Kenya.

0
71

Baladwayne (Radio Beerlula )-Maamulka caafimaadka ee Ruwaanda ayaa dib u soo celiyay qaybo ka mid ah kaniiniyada ka hortagga fungal ee lagu sameeyay Kenya sababo la xiriira ammaankooda caafimaad.

Bayaan ay soo saartay Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Rwanda (RFDA) ayaa ku amartay ganacsatada soo dejisa inay soo celiyaan dhammaan qaybaha 200mg ee kaniiniyada Fluconazole ee ay samaysay Univeral Corporation, oo ah shirkad Kenyan ah.

Sidoo kale waxaa lagu amray dhammaan ganacsatada tafaariiqda iyo goobaha caafimaadka in ay joojiyaan qeybinta dawooyinka oo ay dib ugu soo celiyaan alaab-qeybiyeyaasha.

Saraakiisha caafimaadka ee Rwanda ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan si loo hubiyo in dawooyinka ay saameyn xun ku yeesheen macaamiisha.