Rwanda oo gargaar bani’aadannimo gaarsiisay Gaza.

0
41

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Dowladda Rwanda oo kaashaneysa Urdun ayaa toddobadii bishan Nofembar ku dhawaaqday in ay gaarsiisay gargaar bani’aadannimo Gaza.

Deeqada waxay ka kooban tahay in ka badan 19 ton oo cunto ah, kana kooban cuntada carruurta, daawo iyo qalabka caafimaadka.

Xafiiska isku xirka gargaarka Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo OCHA ayaa 17-kii April diray baaq ay ku codsanayaan 2.8 bilyan oo dóolar taas oo si degdeg ah wax looga qabanayo baahida ka jirta dhulka Falastiin.

Deeqaha ayaa lagu taageerayaan dad ka badan 3 milyan oo ku nool Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Jerusalem.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here