Baladweyne(Radio Beerlula)- Booliiska dalka Rwanda ayaa sirdoonka milatariga Uganda ku eedeeyay in ay afduubteen labo ruux oo reer Rwanda ah kuwaas oo Axaddii xadka ka tallaabay ka dib markii ay martiqaad ka heleen saaxiibbadood oo reer Uganda ah.
Eedayntan ayaa muujinaysa in calaaqaadka labada dal uu xun yahay.
masuuliyiinta Uganda ayaa milatariga Rwanda ku eedeeyay in ay toogasho ku dileen labo ruux oo midna reer Rwanda ahaa midna reer Uganda ahaa, kuwaas oo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen gudaha dalka Uganda oo dhanka xadka ah.
Rwanda ayaa diiday eedaymahaas, Ugandana wali kama aysan jawaabin eedaymaha loo soo jeediyay.
Khilaafka soo kala dhex galay labadan dal awgeed Rwanda ayaa xirtay xadka Gatuna si aysan uga tallaabin baabuurta rakaabka ah ee ganacsiga wada.
Waa xadka ganacsi ee Rwanda ay la leedahay Uganda, tallaabadan ayaana carqaladaysay calaaqaadkii ganacsi ee labada dal.