Rwanda oo UK ka dooneysa magdhow-ga heshiis la laalay

0
164

Baladweyne (Radio Beerlula)-Rwanda ayaa weydiisatay Britain inay siiso £50 milyan ($63.62 milyan) oo magdhaw ah kadib markii heshiiskii saoo-galootiga ee hore loo gaaray la laalay, sida uu sheegay ilo-wareed ku dhow dowladda Kigali Talaadada maanta ah.

Dalabkan ayaa yimid kaddib markii London hakisay qeyb ka mid ah gargaarkii ay siin jirtay Rwanda, sababo la xiriira dagaalka ka socda Congo.

Markii uu xafiiska la wareegay bishii Luulyo ee la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa buriyay qorshihii xukuumaddii hore ee Conservative-ka, kaasoo Rwanda lagu siin lahaa lacag si ay u qaabbisho muhaajiriinta si sharci darro ah ku galay Britain.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Yvette Cooper, ayaa xilligaas sheegtay in qorshahaasi uu horey ugu kacay canshuur-bixiyeyaasha Britain lacag gaareysa £700 milyan ($890 milyan).

Ilo-wareed ku dhow dowladda Rwanda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Kigali ay Britain ka dooneyso £50 milyan oo magdhaw ah maadaama heshiiska la laalay.

Afhayeenka dowladda Rwanda, Yolande Makolo, ayaa sheegtay in dalabka lacagta uu salka ku hayo mowqifkii ugu dambeeyay ee Britain ay ka qaadatay Kigali, oo ay ku jirto hadallo ay sheegtay in ay ahaayeen kuwo xasaasi ah oo kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here