Saamiga shirkada X (twitter) oo korodhay

0
100

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkadda Elon Musk ee X, oo hore loogu yaqaanay Twitter, ayaa la sheegay in ay dib u gaadhey qiimihii hore ee $44 bilyan, taas oo ah isla lacagtii uu Elon Musk ku iibsaday sanadkii 2022.

Warbixin uu daabacay Financial Times ayaa lagu xusey in qiimahan cusub lagu ogaaday maalgelin ay ka qayb qaateen maalqabeenno hore ugu lahaa saamiyo shirkadda.

Sidoo kale, Bloomberg ayaa sheegtay in shirkaddu heshay lacag cusub oo dhan ku dhowaad $1 bilyan oo laga helay maalgashadayaal cusub, iyadoo Musk laftiisu ka mid ahaa dadkii lacagta geliyey.

Shirkadda X ayaa hadda lagu qiyaasay inay ku fadhido qiimo dhan $32 bilyan, iyadoo sidoo kalena ay jirto deyn dhan $12.5 bilyan. Inkasta oo shirkaddu aysan weli ka hadal warbixintan si rasmi ah, haddana waxay u muuqataa guul weyn oo u soo hoyatay Musk iyo maamulaha cusub ee uu magacaabay, Linda Yaccarino.

Tan iyo markii uu Musk la wareegay shirkadda, waxa uu bilaabay isbeddel weyn, isagoo shaqo ka caydhiyey kumannaan shaqaale ah, taasoo keentay in xayeysiistayaal waaweyn ka baxaan, isla markaana dakhliga shirkaddu hoos u dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here