Sababta Jude Bellingham Loo Siiyay Kaar Cas Kulankii Ossasuna Oo La Shaaciyay

0
87

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Jude Bellingham oo beeniyay eedeymaha ah inuu aflagaadeeyay garsooraha, taasoo keentay in loo taago kaar cas qeybtii hore kulankii Real Madrid iyo Osasuna.

Jude Bellingham ayaa beeniyay inuu aflagaadeeyay garsooraha, taasoo keentay in la siiyo kaarka cas qeybtii hore ee kulankii Sabtida ay Real Madrid la ciyaartay Osasuna.

Xiddiga xulka England ayaa garoonka laga saaray daqiiqaddii 39-aad kadib markii ay hadal is dhaafsadeen garsoore Jose Luis Munuera.

Warbixinta rasmiga ah ee garsooraha ayaa lagu sheegay in Bellingham uu ku yiri, “F*ck you”, balse Carlo Ancelotti ayaa ciyaarta kaddib sheegay in arrintu ahayd kaliya is faham la’aan.

Bellingham ayaa markii dambe ka hadlay xaaladda, isagoo sheegay inuu dhahay “F*ck off” halka loo fahmay inuu garsooraha aflagaadeeyay. Wuxuu yiri: “Si cad ayaan u sheegay, waxaan idhi xilli aan horey u sii jeeday. Wey adag tahay in la yiraahdo waa aflagaado halka aanan garsooraha wax xun ku oran. Waan ku faraxsanahay in muuqaalada la helay, oo caddeymo loo haysto wax ka hor imaanaya warbixintii garsooraha. Waa arrin si khaldan loo fahmay. Waa eray la mid ah ereyada ay Isbaanishku adeegsadaan sida ‘joder’.

Natiijada waxay noqotay in nala dhaafiyo hal ciyaaryahan. Ma ahayn aflagaado, waxay ahayd hadal aan naftayda ula jeeday. Muuqaallada ayaad ku arki doontaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here