Sababta Liverpool Ay U Ceshan Karin Mohamed Salah Xagaagan Oo Faahfaahin Laga Bixiyay

0
65

Baladwayne (  Radio Beerlula )-kooxda Sacuudiga ee Al-Ittihad ayaa kalsooni weyn ku qabta inay xagaagan la saxiixaneyso xiddiga Liverpool Mohamed Salah.

Haddii hishiis la gaaro, Salah waxa uu noqonayaa xiddiga ugu mushaharka badan dunida kubada cagta isagoo dhaafaya mushaharka uu qaato Cristiano Ronaldo.

Al-Ittihad ayaa lagu waramayaa inay diyaar u tahay inay bandhigto xiddiga reer Masar hishiis kor u dhaafaya mushaharka Cristiano Ronaldo, islamarkaana ay lacag rikoodh u noqoneysa horyaalka Sacuudiga oo 86 milyan ginni ku soo iibsadaan.

Waqti xaadirkaan, Ronaldo oo ah xiddigii ugu weynaa ee u wareega Sacuudiga ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan dunida kubada cagta.

Halyeeyga Real Madrid waxa uu todobaadkii mushahar ahaan u qaataa 3.4 milyan ginni, isagoo qandaraas kula jira kooxda Al Nassr ilaa iyo June 2025ka.

Xiddiga haatan heysta abaalmarinta Ballon d’Or Karim Benzema waxa uu isbuucii qaataa 3.3 milyan ginni.

Neymar oo dhawaan u saxiixay kooxda Al Hilal waxa uu mushahar ahaan u qaadanayaa todobaadkii 2.5 milyan ginni.

Laakiin haddii Mohamed Salah uu u wareego Sacuudiga waxa uu qaadan doonaa mushahar ka badan magacyada aan kor ku soo xusnay oo dhan.

Salah oo 31 sanno jir ah waxaa lala xiriirinayay inuu u wareegayo horyaalka Sacuudiga todobaadyadii la soo dhaafay.

Warbaahinta The Athletic ayaa sheegeysa in kooxda Al-Ittihad inay xiiso dhab ah u qabto saxiixa xiddiga Liverpool.

Liverpool qorshaha uguma jirto inay iibiso weeraryahanka halka wakiilkiisa uu ku celceliyay in xiddigaan uu sii joogayo Anfield.

Si kastaba, saaka oo Khamiis ah waxaa la sheegayaa in Mohamed Salah uu maankiisa bedelay isagoo doonaya inuu ka dhaqaaqo Liverpool.

Sababta ugu weyn ee Salah haatan ku qasbeysa inuu ka tago Liverpool waa mushaharka waalida ah ee ay u soo bandhigeyso kooxda Al-Ittihad.

Waana tan sababta ugu weyn ee Mohamed Salah uu uga tagayo xagaagan kooxda Liverpool haddii Al-Ittihad ay ku guuleysato inay Reds ka dhaadhiciso inay aqbalaan dalabkooda.