Sababta Ronald Araujo Aan Ciyaartii Valladolid Looga Saarin Isagoo Loo Taagay Laba Jaalle Oo La Shaaciyay

0
27

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbixin kasoo baxday warbaahinta Spain ayaa shaaca ka qaaday sababta xiddiga Barcelona, Ronald Araujo, looga saarin ciyaartii ay kooxdiisu la ciyaartay Valladolid wareegga 34-aad ee La Liga.

Araujo ayaa loo taagay kaarka jaalaha ah daqiiqaddii 7-aad iyo mid kale daqiiqaddii 83-aad, balse lagama saarin garoonka.

Sida laga soo xigtay website-ka rasmiga ah ee La Liga, daafaca reer Uruguay ma uusan helin kaarka jaalaha ah qeybtii hore ee ciyaarta.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in khalad uu dhacay qeybtii hore markii shaashadda garoonka lagu muujiyay in Araujo uu helay kaarka jaalaha ah, taasoo ahayd mid qalad ah.

Ilo-wareed yadu waxay intaas ku dareen in La Liga markii hore ay sheegtay in Araujo uu helay jaale qeybtii hore, balse ay markii dambe saxday khaladka, kaarka jaalaha ahna uu qaatay ciyaaryahanka Valladolid ee Sila Diallo.

Waa xusid mudan in Barcelona ay gaartay guul muhiim ah oo 2-1 ah oo ay ka gaartay Valladolid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here