Baledweyne ( Radio Beerlula )-Waxaa si toos ah loo shaaciyay in Mathys Tel uusan ku biiri doonin Manchester United, inkasta oo uu ogolaaday in uu la galo heshiis ka hor maalinta Isniinta ee waqtiga suuqa uu xirmayo.
Laacibkan 19 jirka ah ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu ku biiro Red Devils maalmaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga, taasoo u ogolaatay Manchester United inay wadahadallo la bilowdo Bayern Munich.
Si kastaba ha ahaatee, wadahadalladii u dhexeeyay United iyo Bayern ayaa burburay, sida uu kusoo waramayo wargeyska RMC Sport, sababo la xiriira dalabaadka xad-dhaafka ah ee kooxda Jarmalka, taasoo keentay in kooxda Premier League-ga ay ka baxdo heshiiska.


