Sacuudi Carabiya oo $1 bilyan ku maal-gashaneysa Pakistan

0
162

Baladweyne(Radio Beerlula)- Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay 1 bilyan oo dollar ku maalgashato waddanka Pakistan, sida uu shaaciyay TV-ga dowladda Sacuudiga Khamiistii, isaga oo intaas ku daray in boqor Salmaan Bin C/casiis uu amray in Boqortooyada Sacuudiga ay taageerto dhaqaalaha Pakistan.

Ku dhawaaqista maalgashigan ayaa yimid kaddib markii wasiirrada arrimaha dibadda Sacuudiga iyo Pakistan Faisal Bin Farhan iyo Bilawal Bhutto Zardari ay yeesheen wadahadal khadka telefoonka ah.

Bhutto Zardari ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan maalgashi kasta iyo caawimaad kasta oo kaga imanaya boqortooyada Sacuudiga.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu boqortooyada Sacuudiga uga warbixiyay dhibaatada daadadka Pakistan, kuwaas oo dilay dad ku dhow 1000 qof.

Pakistan ayaa sanadihii ugu dambeeyay la daalaa dhaceysay dhibaatooyin maaliyadeed iyo kuwa siyaasadeed.