Sacuudiga oo $1 bilyan ugu deeqay dib u habeynta dhaqaalaha Yemen.

0
146

Baladweyne ( Radio Beerlula)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa lacag dhan 1 bilyan oo dollar dhigtay bankiga dhexe ee Yemen ee fadhigiisu yahay magaalada Cadan Talaadadii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA.

Lacagtan ayaa loogu talo galay in dib u habeyn loogu sameeyo dhaqaalaha dalka Yemen si meesha looga saaro lacag yarida iyo sara u kaca qiimaha shidaalka iyo badeecadaha.
Ilaa hadda ma cadda in 1 bilyan oo doollar ay qayb ka ahayd xirmo taageero ah oo 3 bilyan oo doollar ah oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta u ballan-qaadeen bishii May ee lasoo dhaafay dhaqaalaha Yemen.

Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay koonfurta dalka Yemen ayaa la arkayay in dhaqaalaheeda guud uu sii xumaanayo kadib markii Xuutiyiinta ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen saldhigyada halkaas ku yaala kuwaas oo caqabad ku noqday dhoofinta shidaalka oo ah isha dakhli ee muhiimka ah.

Bishii Nofembar, Sanduuqa Lacagta Carbeed ayaa saxiixay heshiis $ 1 bilyan ah oo lagu taageerayo barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Yemen.