Sacuudiga oo $19 bilyan kusoo iibsanaya diyaarado cusub

0
54

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shirkadda Saudi Group ee Boqrtooyda Sacuudiga ayaa sheegtay inay iibsan doonaan 105 diyaaradood oo Airbus ah, iyagoo ku ammaanay heshiiska inuu yahay kii ugu weynaa ee diyaaradeed ee taariikhda Boqortooyada.

Shirkadda diyaaradaha ee Saudi Airlines ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay heli doonto 54 diyaaradood oo A321neo ah, halka shirkaddeeda Flyadeal ay heli doonto 12 diyaaradood oo A320neo ah iyo 39 A321neo.

Qiimaha heshiiska ayaa dhan $19 bilyan, sida lagu sheegay bayaan gaar ah oo ay soo saartay Future Aviation Forum, shir ka dhacay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, halkaas oo heshiiska lagaga dhawaaqay.

Bayaanka Sucuudiga ayaa lagu yiri, “Heshiiskan taariikhiga ah waxaa ku jira 105 diyaaradood oo la xaqiijiyey, wuxuuna u taagan yahay waqti muhiim ah oo aan ahayn warshadaha duulista hawada Sucuudiga oo keliya, laakiin sidoo kale gobolka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee baaxadda weyn.”