Sacuudiga oo dhisay isbaheysi ka shaqeeya xal laba dowladood

0
21

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sacuudi Carabiya ayaa dhistay isbaheysi caalami ah oo ka shaqeeya helidda xal laba dowladood ah oo laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin, waxaa sidaas Khamiistii sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Faysal bin Farhan Al Saud, oo ka hadlay shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York.

Isbaheysigan ayaa waxaa ku jira dalal dhowr oo Carab iyo Muslimiin ah iyo saaxiibo reer Yurub ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga, iyadoo aan la shaacin magacyada dalalka.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in kulamada ugu horreeya ay ka dhici doonaan Riyadh iyo Brussels.

Ka dib markii bishii October 2023 uu qarxay dagaalka Gaza ee u dhexeeya Israel iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamusha Gaza, Sacuudi Carabiya ayaa hakisay qorshe uu Maraykanku waday oo ku saabsan in boqortooyadu ay xiriir la yeelato Israel, sida ay sheegeen laba il-wareed oo xog ogaal ah, horraantii sanadkan.