Sacuudiga oo waqti u qabtay in dadka cumreysanaya ay dalkiisa uga baxaan.

0
156

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa 1-da Dul Qacda, oo ku beegan April 29, u asteysay maalinta ugu dambeysa ee cid walba oo ajaanib ah oo dalkaasi cumro u tagtay ay uga baxdo.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qaadday si loo bilaabo isu diyaarinta Xajka.

War ay soo saartay, ayay wasaaraddu ku sheegtay in 15ka Shawaal, oo ku beegan April 13, ay tahay maalinta ugu dambeysa ee aan loo oggolaan doonin dadka inay dalkaas u tagaan cumro.

Ciddii u hoggaansami weysa amarkan ayaa wajihi doonta ganaax dhan 100,000 oo riyaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here