Sacuudiga oo xayirad dhanka fiisaha ah ku soo rogay 14 dal.

0
69

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sacuudi Carabiya ayaa si kumeel-gaadh ah u joojisay bixinta fiisaha 14 waddan, kuwaas oo horey uga heli jiray fiisaha Cumrada, ganacsiga, dalxiiska, iyo booqashada qoysaskooda.

Wadamada la joojiyay waxaa ka mid ah: Algeria, Bangladesh, Masar, Itoobiya, Hindiya, Indonesia, Ciraaq, Urdun, Marooko, Nigeria, Pakistan, Suudaan, Tuunis, iyo Yemen.

Sidoo kale, waxaa laga walaacsan yahay dad ku gala dalka fiisaha ganacsiga ama booqashada qoyska oo markii dambe si sharci darro ah uga shaqeeya gudaha dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankani uu qayb ka yahay dadaalka lagu hagaajinayo nidaamka socdaalka iyo kor u qaadista badqabka xujeyda, si looga hortago dadka Sida sharci darada ah ku soo xajinaya.

Dadka lagu qabto dalka iyaga oo aan fiise sax ah haysan ayaa laga yaabaa in la saaro ganaax ah in dalkaasi aysan soo galin muddo shan sano ah.

Intii lagu guda jiray xajkii 2024, ugu yaraan 1,301 qof ayaa dhintay, kuwaas oo intooda badan ay u geeriyoodeen kulayl daran iyado Tirada ugu badan ee dhimashada ahaayeen xujey aan haysan ogolaansho rasmi ah oo xaj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here