Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise oo uu wehliyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa dhagax-dhigay dhismaha sedex waddo muhiim ah oo dhex marta bartamaha Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Munaasabadda dhagax-dhiga wadadan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda gobolka Hiiraan Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle, Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin, Guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow, Xog-hayaha dowladda Hoose ee Beledweyne Mudane Yaxye Cabdiraxmaan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi



