SADDEXDA Ciyaartoy Ee Ay Barcelona Kusoo Xidhanayso Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Xagaagan Oo La Magacaabay

0
158

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona waxay calaamadsatay saddex ciyaartoy oo ay ku xoojinayso safkeeda xilli-ciyaareedka dambe, kuwaas oo ay doonayaan inay isku-xoojiyaan si ay usoo afjaraan madax-xanuunka ka haysta tartanka Champions League ee sannadihii ugu dambeeyey ay sida qaabka daran ugaga hadhayeen marxaladda koowaad.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa samaynaya khiddado iyo xeelado uu kaga baxsan karayo sharciga dhaqaalaha ee dabarka ku ah, waxaana uu qorshaynayaa inuu si hoose usoo xero-geliyo ciyaartooyo uu qiimahoodu hooseeyo iyo kuwo bilaash ah.

Barcelona oo ay ka tageen labadii ciyaartoy ee mushaharka badan qaadan jiray ee Jordi Alba iyo Sergio Busquets oo ay sagootiyeen xagaagan, ayaa waxay dhinaca kale dhamaystirtay heshiiska Ilkay Gundogan oo ay si xor ah ugala soo wareegeen Manchester City.

Mushaharka oo dhibaato ku ahaa ayaa ay Barcelona xal u heshay, waxaana uu xidhiidhka kubadda cagta Spain ku wargeliyey in loo ogol yahay in loo diiwaangeliyo saxeexyadii ay sugayeen ee ka laalnaa ee Gavi, Ronald Araujo iyo ciyartooyo kale.

Saddex ciyaartoy oo kale oo aanu ku jirin Ilkay Gundogan ayay doonaysaa Barcelona inay isku xoojiso, waxaanna hormood u ah Ivan Fresneda oo u ciyaara kooxda heerka labaad u dhacday ee Real Valladolid oo ay u arkaan in uu ka xoojin karo difaaca. Laacibkan oo ay si weyn loola xidhidhinayay Arsenal ayaa waxa qandaraaskiisa lagu burburin karayaa €20 milyan oo Euro.

Waxa kale oo Barcelona ay doonaysaa Joao Palhinha oo khadka dhexe uga ciyaara Fulham iyo Arda Guler oo ah 18 jir reer Turkey ah oo ay ku dagaallamayaan Real Madrid.